HORDHAC
Qaab maaraynta khatarta degaanka beeraha - marka hore waa inaan fahanaa khatarta, noocyada khatarta iyo qaab maareyntooda inta baxaaan siday iskula xiriiraan sida loo wajaho ,sida loomaareeyo waxan ku lifaaq donaa qaybaha kale oo ah
qaab maareynta katarta degaanka, qaabdhismoodkoodaa nooc ay u kala baxaan
qaab maareynta khatarta dhaqaalaha beerta ,qaab dhismoodkooda iyo inta nooc ay u kala baxan
qaab maareynta khatarta gacansiga beerta,qaab dhismoodkooda , nooc ay u kala baxan
qaab maareynta shaqadalaha beerta, qaab dhismoodkooda nooc ay kala iyo sida lo mareyo
marka hore waxaan ka hadali doonaa khatarta degaanka iyo nooc ay kala baxaan iyo qaabdhismodkooda sida loo maareynkaro marka , qaybtan hore fahankooda waxa noo fududaanaya inaan qaybaha kale fahano waayo waa sisilad isku taxan .
marka intii aan sharxaad badan ka bixin waxaan rabnaa inaan su aalahan is weydino kuwaas oo bilow u ah mowduuceena na siin kara fahan yara kooban
waa maxay khatar,
sidee ayaa khatar loo maareeyaa ,
imisa nooc oo khatar ah ayaa jira
waa bilowga su aalaha aan rabno inaam fahano.
qormadaaan waxaan ku eegi doonaa mawaadiicda aan kor u soo xusnay iyo su aalaha aan kor ku soo xusnay iyo tafaaasiishooda iyo taafaasiil dheeraad ah waxaana ka eego doonaa dhinacyo badan, hab maareynta khatarta iyo xeeladaha lagu maareeyo marka ay khatar taagan tahay ama sida looga hortago ama hadi ay dhacdo sida loo yareeyo ama loola tacaamulo dhamaan jawiyada kala duwan iyo sida qiimeynaayo heererkeeda kala duwan waana fahan u baahan fahan buuxa.
markasta oo aan bilowga fahanaa waxan fahanay bar bilowoga mowduuceena, ogaanshaha sida iskula xiriina khatartaha waxana ku dhiiranaynaa inaan fahan buuxa u yeelano xeelado kala duwan ,raadinta xogo kale , helida xogo kale iyo helid khibrad gooni ama aan keeno xogo isku dheeli tirin anaga daalacaneena waayo aragnimadeena aqooneed , khibradeeda iyo mida shaqo.
qormadam qormada ka horeesa ayaan uga soo hadalnay khatartaha degaanka waxaana ka bixinay macluumaad kooban oo bilowna ku noqon kara fahanka khatarta waxaana ka daalacan kartaa xogo kooban iyo macluulaaad faro badan oo sare u qaadi kara fahana u yeelan karto khatartaha noocyadooda iyo inta ay u kala baxan iyo maareyntooda
hadi aan dib u milicsano su aasheena waa maxay khatar?
khatarta waa waxkasta oo wax yeelo keeni kara, ama waxyeelo sababi kara adiguna sababteena aad yeelan karto marna aad yeelan karino oo ay noqon karto mid dabiici ah
tusaale ahaan cayayaanka waxa uu noqon karaa mid dabiici ah oo isbadalka cilimida keentay inuu dilaaco , marka labaadna waxa uu noqon karaa mid aad adigu sababteeda iska leedahay oo ah nadaafad darada iyo wasakhda tirada badan isku dhexyaaca guraha ayaa sabab ku noqon kara inuu cudur ka dilaaco beerta labadan sabab u noqon karaan inay beertaadada burburto ama wax yeelo badan soo gaarto wax soosaarkga , dhaqale ahaan aad khasaare dareento iyo ganacsigaba .
sidee loomaareeyaa khatarta ?
si aan khatarta maareyno marka hore waa inaan cadeynaa ama aaan qeexno nooca khatarta aan rabto inaan maareyno , qaybaha ay ka kooban tahay ,iyo inta farac ay leedahay.
imisa nooc oo khatarta ayaa jira?
noocyada khatartu wey badan yihin waxana ay ku xiran tahay midka taagan ama jadwalka saaran in sifiican looqeexo lana eego qaybaha kale ee laxiriira .
tusaala ahaan
khatarta ganacsiga beeeraha- tusaale wax soo sarkaga inuu ugu fariisto ama suuqa ugu xirmo ama uu hoos dhac miyaado maxaad sababi kara.
hadi aan sii tusaalayno , maxaa sababi kara inuu wax soosarkaga hoos u dhac ku miyaado.
sababta kowaad waxay noqon karta qofka beero lahayda ah oo aan taxliilin badan samayn kuna samayn waxa uu beeraayo iyo baahiyaha suuqa ka jira , baahiyaha deagaanka iyo farqiga wax soosaarineeed oo uu dheeran karo , beerolayda kale oo ay isku degaanka yihin si uu wax soosaarkisa uu dheeraad ka uu u helo suuq gooni ah halkaas oo uu faadiido gooni ah ka heli karo hadi uu wax soosaarka kalena khasaaro kala kulmo midaas oo ay ka siman yihin beerolayda kale balse isaga faa iido gooniah haysto.
tusaale dhaqaalaha beeraha
dhaqaalaha beeraha - sidee ahaaan dhaqaalaha nooga baxay dib ugu helin karaa hadana faa iido ugu heli karnaa mudo xileedka gudahiis .
si aad u ogaato khasaaraha ama faa iidada beerta waxa aad u baahan tahay inaad sameyso diwaan galin ku saabsan qaybkasta oo dhaqale kaga baxaayo
tusaale ahaan - lacagta aad ku soo iibsatay miraha ,lagacta hagaajinta dhulka,lagacta shaqaalaha ,lagacta aad isticmaasho maalinkasta oo kharashaadka yar yar ku baxaya, dhamaantood iyo inta kale oo soo raacda waxay buhaan yihin liis iyo diwaan galin si looogaado markuu mudo xileedku dhamaado kharasha ku baxay dhamaadtood
markan hadi aan dib ugu soo laabano mowduuceena ciwaankan hoose bal isla eegno
Hab Curinta Qaab Maareynta Khatarta
marka intaan faahfaahino badan galin ayaan rabtaa inaan isweydino ,waa maxay habcurin.
habcurinta waa inaad fikrad aad iska leedahay keento midaas oo hirgali karta ama
inaad fikrado badan aan isku keento mid gooni ahana ka curiso midaas oo ka duwan kuwa kale.
maareynta khatarta inta badan waay soo noqnoqanaysaa markaas sifiican ayaan u fahmin
doonaa , sidaa owgeed ayaan ereyga curin faahfaahin uga bixinay.
1qaabka ula jeeda maareynta, qeexitaanadiisa iyo cadeynta xeelaha kala duwan.
2-aqoonsiga khatarta isku dhafan iyo aqoonsiga wajiga isku dhafanka leh.
3-isxaalufaysiga khatarta iyo qiimayntooda.
qodobka koowaad
qaabka ula jeedka maaraynta -markasta oo aad shaqo qabanayso waa inaad ula jeed ka lahaataa sida oo kalena uu kuu dagsan yahay hadaf cad oo leh ula jeedo sare si aan u helno natiijo wax u ool ah.
maareynta dhaqaalaha ku baxaya, dhaqaalaha loo baahan hayhahay ,qorshayaasha kala duwan oo la rabo in la qabto , baaxada shaqada inta ay la eg tahay , shaqada laga rabo in laga qabto iyo dadaalka loobaahan yahay iyo hirgalinta mashruuca iyo wax ka qabashadiisa shaqaysin iyo howl galintoodaba
qeexitaanada iyo xeeladaha -marka hore waa inaad qeexdaa ujeedka shaqada aad rabto inaaad qabato,tusaale ahaan shaqo aad rabto inaad qabato ,ma shaqo waqti yar oo kooban qaadanaysaa miyaa, mise shaqo waqti dheer qaadanaysaa , dabcan labada shaqo midna mudo yar qadanayso midna waqti badan qaadanyso waxaa halkas aan ka arki karnaa inaan laysku dhero dhekarin labadooda mid kastana qeexid gooni u baahan marka shaqdu yar tahay iyo marka ay weyn tahay
xeeladaha iyo farsamooyinka- waa arin kale oo baraarug u baahan waayo xeeladaha badanaa waxa ay kuu fududeyaan inaan waqti yar aad wax badan ku maareynkarto ula isticmaalaayo farsamooyin badan.
Wajiga aqoonsiga khatarta isku dhafanka ah
aqoonsiga khataraha aasaasiga ah -waxa jira khataro isku dhafan ama isdulsaaran ama isku eg, hadi khatarta khataraha ka mid ah sidii la rabay loo maareyn, khatar kale ayaa dilaaci karto midaas oo ka saamayn weynaan karta mida hada jirta ama taagan waxan baahan fiiro gaar ah in loo yeesho habmaamulka iyo maareynta waxana loo baahan aqoon dheeraad ah iyo xeelado iyo farsamooyin heer sare ah .
tusaale
cudurka ku dhaca xidida hoose ee geedka ama mirta , maxaase sababi kara ,sidee loo maareyaa?
cudurka ku dhaca xididka hoose geedka waa mid halis weyn oo saameyn karta guud ahaan wax soosarka muda xileedkaas inuu hoos dhac balaaran ku yimaaado.
waa cudur aad u faaafa wax yeeladiisana ay baaaran tahay iskana gudba xididada hoose marka ay isku dhowr yihin miraha midaas oo khasaaraha ee kordhinaysa mana lahan daawo wax looga qaban karo.
maxaa sababi kara inuu cudur ku dhaco xidida hoose uu geedka?
nafaqo yarida ama nafaqo darada carada waxa ay sababi kartaa inuu cudur ka dilaaco , mirtu hadi aysan helin awood nafaqo oo xoogan waxa u sahlasaanayn inaysam iska caabin karin cudurkasta oo soo wareerara ,marka sidaa daraadeed waa inaan isku dheeli tirnaa nafada carada iyo miraha aan ku abuurayno
sidee loo maareyaa?
marka hore inaan ogaato heerka inta xanuunsan ka dib aan calaamadino iyo baaxada uu ku fadhiyo
marka labaad intaas aad calaamadisay inaan burburiso ilaa inta uu cudurku u eg yahay garsinayso
marka sadexaad inaad firaaqo u dhaxeysiiso inta aad burburisay oo xanunsan iyo kuwa cafimadka qaba si uu san cudurka ugu gudsin kuwa kale
ogow hadi uu cuduka xididka hoose ku dhaco badanaa wax rajo ah malahan mirahaas intaan kor ku xusan iyo in kale ayaa looga hor tagi karaa inuu siifaafo lagana gaangaashto inay yeeladiisa sii balaarato
aqoonsiga khatarta isku dhafan - aan isla eegno qodobadan hoos ku xusan si aan wax uu macluumaad ah ugu helno ama uga ogaano
- aqoonsiga khatarta
- kala saarida khatartaha
- cayin khatarta gaar ah
- suurtagalka khatarta dhici karta
- qiimaynta khatarta
- fahanka macluumaadka sida loo maamulo
- mudnaan kala siinta khatarta
- horumartinta xeeladaha khatarta
- hirgalinta la socoshada
dhamantoon waxa ay ka mid yihin sida lagu aqoonsan karo isku dhafanka khatarta si aan wax badan uga ogaano tafaashiishooda hoose aan isla eegno
aqoonsiga khatarta - waxa aan u kala saari labo waji oo kala ah
1- mid aqooneed inaad leedahay aqoon aad ku aqoonsan karto
2- mid waayo aragnimo (khibrad ahaan)aad ku aqoonsan karto
1-midka aqooneed - inaad baratay cimiliga khataraha sida maamulo adiga oo wax barasho ku dhigtay ama ka qayb galay barnaamijo kala duwan ama tababaro kala duwan kana daalacatay aqoom kororsi badan
2- mid waayo aragnimo- waayo aragnimo markan ka hadlayno inaad dhacdooyin aad soo maamushay khibrad ahaan aan u heedahay habmaamulida khataraha kala duwa iyo latacaamulida khataraha..
tusaale
khatarta si kadis ah ku dhacda - waa mid u baahan karta aqoon si aysan waxyeelo badan u geysan balse wax yeelo badan ka dhalan karaan kartaan , inta ugu badan khatar kasta oo aan filasho laga qaban waxyeelo culus ayey reebtaa sidaa owgeed waxa badanaa haboon marka ay wax dhacan waliba ka kadis ah in cimli ahaan wax loga qabto
khatarta soo noqnoqota- khatarta soo noqnoqota waa mid aad waayo aragnimaddada khibradeed aad ku xalin karto kaagana baahan ogaanshiyaheeda ,waxa jira khataro badan kuwaas oo isku eeg ama isku waji ah hadana midku dhafan balse u baahan fiiro dheeraad ah iyo lasocosho gooni ah.
tusaale- imisa jeer ayey khatartu soo noqnoqotaa mudo xileedyada wax soosaarka kaa duwan .
kala saarida khataraha -khataraha waa noocyo badan yihin
tusaale ahaan - khatarta beeraha , khatarta cimilada, khatarta degaanka, khatarta dhaqalaha , khatarta ganacsig iyo kuwa kale oo badan ayaa jira .
cayin khatarta gaar ka (cadey)- khatarta waa inaad si gaar ah u cayinataa ama ka cadaysa si aad waxka qabashadeeda aad u bilowdo ama raadinta macluumaadkeeda u guda agasho iyo waxka qabadkeeda
inaad mid gaar ah cayintaa waxa kuu fududaanaysaa inaad horumar ka sameyn karto adiga oo adeegsan kara xeeladaha iyo farsamooyin xirfad sare leh ka iyo waayo aragnimadaada
suurta galnimada khatar inay dhici karto- sidaan hore u soo shegnay markan ka hadlaynay aqoonsiga khatarta waxa aan sheeegnay labo dhinac marka mid ka mid hadi aan dib u milicsano waa aqoonsi cilmiyeedka aqooneed, dabcan khatari inay dhici karto mid waad ka qiyaas qaadankarto dukumintirigaa hore oona tixraaciisa macluumaadka kala duwan kuwaas oo ififaalo ka heli karto
qiimaynta khatarta - sidee khatarta lagu qiimeeya
1-qaab dhismeedkeeda iyo heerka ay gaarsiisan tahay- marka inta aadan shaqo bilaabin inaad xog aad ka hayso xogtaas oo kuu noqonaysa meel aad ka duusho
tusaale - khatarta aad rabto inaad qiimayn ku samayso heerkee ayey maraysaa ama joogtaa
ma bilow ayey maraysaa oo wax qabasho ka furan tahay
ma meel dhexaad ayey maraysaa oo ay ka dib qabasho ayey leedahay ama ka dabo tag.
ma marxaladi ugu danbaysay miyey maraysaa oo wax ka qabasho lahayd.
2-sida ay u kula nugul yihin iyo wax ka baqashadooda -dabcan waa qodob kale oo fiiro gaar ah u baahan markan ka hadlayso nuglaashaha khatarta- khatartu sida ay u kala nugul yihin maareyntoodu way kala fudud yihin.
3-go'aan qaadashada iyo wax kaqabashada - go'aan qaadashada waa inay ku dhisan tahay dhamaan tixraacyo kala duwan oo nimaadsan iyo aqoon iyo xirfad sare
fahanka macluumaadka sida loo maamulo- barashada xogaha iyo sida loo maamulo waxay waxtar fican u leedahay helida qaab dhismeed sugan iyo xog dhamays tirin in helo ,midaas oo kayd fican noqon karta, fahanka xogaha xasaasiga ah
mudnaan kala siinta khatarta- khatartu wey kala fududdahayweyna u kala culus tahay markay kharashka noqoto miisaaniyada dhaqale ku baxaysa wey kala duwan yihin. marka waa inaad mudnanta siinaa mida muhiimka ah oo wax ka qabashadeedu ay adag tahay in dib loo dhigo si deg deg ah u baahan inwax looga qabto.
horumarinta xeeladaha khatarta- waa habnimaad lagu aqoonsan karo ,qiimaynta iyo yaraynta khatarta lala xidhiidhinaayo mashaariicda horumarinta iyo hubinta mashaaciinta gulaysata iyo yareynta wax yeelada khatarta iman karta
horumarinta xeeladaha
tusaale
ka fogaansho - inaad ka fogaanto khatarta ama raad jarto meelaha ay ka imaanayso
inaan iska ilaaliso inay gudubto-inay meel kale aado ama ka baxsato xakamayntaada
yaraynta - inaad yarayso khatarta awoodeeda ama saameynteeda ka dhalan karta
aqbalid- inaan khatarta aqbasho ka dib aad lasocoto dhaqdhaqaaqeeda
qorshaynta deg dega ah- inay jiraan qorshayaal kuu degsan kuwaas oo hadi ay wax dhacan aad si deg deg ah wax ugu qaban karto go'na saameynta iyo awooda khatarta
higalinta la socoshada -dhamaan waa inaad lasocotaa qorshayaasha iyo mashaariicda iyo qaabdhismeedka iyo habmaamulka guud ahaaneed aadna garankarto waqtiga ku haboon fulimaadkoooda sida loo kala hir galinaayo , dhaqaalaha loo baahan iyo waqtiga saxda ah
isxufulufaysiga khatarta iyo qiimayntooda- khataraha qaar waa isku xulufo waxayna ku jiraan isku khaanad balse kala saaridooda ayaa aqoon u baahan midaas oo aysan inta badan beero laydu aysan
WAX YAABAHA LAGAMA MAARMAANKA U AH MAAREYNTA KHATARTA DEEGAANKA
WAX SOOSAARKA BEERAHA
Waa mowduuca noo xiga insha allaha markay isla socosho wanagsan waqti yar oo kooban macluumaad badan ku ogow
Comments
Post a Comment