Environmental Risk Agriculture Production(wax soo saarka beeraha ee halista degaanka )
INRODUCTION
Factor Effect environment risk agriculture production
- Climate change
- Soil health
- Water resource
- many others
1.Climate change
HORDHAC
Markaan ka hadlayno khatarta degaan beeraha waxaa saameen ku leh dhicanyo kala duwan midaas oo ay kow ka noqonayso
Isbadalka cimilda
Caafimaad qabka ciida
khayraaadka biyaha
Cayayaanka iyo cudurka
iyo kuwa kale oo badan
Balse waxaan qormooyin ka qori doonaa isbadalka cimilada(sida oo kale la xiriirinayna dhinca degaan beerha iyo khatarta wax soo saarineed) inkasta oo aysan ay macquul ahayn inaan inaan ku soo koobno qormadaan ama qorymooyin kale waayo waa qormooyin badan kuwaas oo baaxad weyn leh laga qoray buugaan badan balse waxaan idin la wadaagi doonaa qaybo yar kuwaas oo kor xusan juna qoran luqada qalaad (English) inkasta oo qormooyin sare la xirriraan khatarta degaanka beeraha.
Isbadalka cimilada - waa mid aan la saadaalin karin sida oo kalena sababi kara khasaaro faro badan si xowli ah ku dhaca midaas oo ay adag tahay in laga soo kabsado ama laga soo kaco waayo isbadalka cimilida saameen kuma yeesho beeraha kaliya sida oo kale waxa uu waxyeelo ku reebi karaan degaanka.
tusaale ahaan
Roobabka
Abaarta
Roobabka- faraha badan oo ay ka dhasho daadka kaliya ma wax yeeleeyaan beeraha sida oo kale waxa ay wax yeelo u geystaan deagaanka hadi ay noqon lahayd nabaad guurka ciida iyo nafaqada midaas oo qiimo weyn ugu fadhida degaaanka ama khaasantan beero lahayda
Abaarta - kaliya abaarta joogtada ah ama mida soo noqnoqta badanaa way wax yeelo u geestaan degaanka sida oo kale beero layda balse marki aan ka hadlayno degaanka waxay in badan saameyn kartaa xoolaha oo qayb ka ah beeraha sida oo kale bulshada meshan ku nool oo laga yaab inay biyo la aan soo wajahdo.
khatarta degaaanka
Labada jeexintaan ayaan ku soo koobaynaa inkasta oo ay jiran kuwo kale
Khatarta degaanka waxaa loola jedaa - kala duwaanan shaha khatarta midaas oo xasilooni daro abuuri karta ,saameyna ku yeelan karta firfircoonaanta beeraha
Khatarta degaanka waxaa loola jedaa- habsami u socodka degaanka inay khatar ku timaado midaas oo sababi karta inay timaado hoos u dhac wax soosaarid iyo mid dhaqaale.
1. Isbadalka Cimilida
1.1 Isbadalka cimilida saameynta uu ku yeelan koritaanka dalaga iyo horumarka-miro kasta waxa ay leyihiin heerkul ukhas ah midaas oo ku haboon karta korniimaadkooda si uu u soo bixiyo miro qurux badan iyo kuwo tayo fiican leh.
miraha - sida oo kale wey ku kala duwan yihin heerkulka ay ku kala baxaan ,tusaale ahaan miraha qaar waxa ay u bixi karaan dhulka kulul halke kuwo kale ay ku bixi karaan dhulka qabow halke kuwa kale ay ku bixi karaan labada midkood ama labada midna.
1.2 biqilka(dilaacanka mirta) iyo koritaanka abuurka- heerkulku waxa uu saameyn ku yeeshaa xiliga ay miraha korayaan khasatan xiliga hore ay mirtu soo baxayso hadi ay ku dhacaan cadceed (kuleyl badan) faro badan waxa joogsanaaya korniimaadka mirta midaas oo khasaaro ku ah beerta wayo hadi uu korniimaadka joogsado waxaa dib u dhac ku imaanaya xiliga la filaayey in uu gurto miraha midaas oo laga yaabo dhaqale ahaan inay saameyso qofka beero layda ah wayo xiliga suuqa ayaa uu dib ugu dhackaga yimi wax soo sarkisa iyo xiliga saxda ahaa ee suuqa looga baahna wayo waxa laga yaabaa inuu tartarka badan yahay
2 Saamaynta heerkulka daran.
2.1 Cadaadiska kuleyka - heerkulka faraha badan waxa uu saameeyaa miraha midaas oo sabab u noqonkarta miraha kori waayaan ama ay soo haadiyan bixitaanka ubaxa waliba ama mirtu ay ka dib dhadco waqtigu ay soo bixi lahayd ama waqtigii ay noqon lahayd in mirta goosashada.
2.2 waqtiga kuleylka -heerku waxa uu saameyn ku yeeshaa dalagayada kala duwan bixitan kooda iyo korniimaadkooda baahineed. heerku waxa uu wax u dhimi karaa mirta ay ka soo daahdo xiliga lagu talo galay inay ku soo qaan gaarto ama ku ubax bixiso .
3 Wax soo saarka dalaga iyo saamaynta ay leeadahay
3.1 dhimista(yareynta) wax soo saarka - labada dhinac kuleyka iyo qaboyga waxa ay saameen u yeeshaan korniimaadka mirta marka uu dhacayo isbadal dhinaca cimilada sida oo kale waxa sababi kara uu yaraado wax soosarkaga qaabdhismeed ciida iyo nafaqada loogu talo galay mirta iyo baxaada dhulka iyo habka loo diyaariyo.
wax soo sarku inuu yaraado waxaaa sababi kara curud beerta ka dilaaca midkaas oo burburin kara miraha soo baxaya sida oo kalena si dhaqso ah ku fidaaya waxa laga yaaba inuu mararka qaar saameyn weyn ku yeelan karo xiliga wax soo saarineed.
4 Saameynta cudurka
4.2 Cadaadiskka cudurka- cudurada qaar waxa ay ku faafi karaan xolwi sare waayo aan ay ugu ugu nugul yihin inay ka falgalaan heerka kul iyo heer qabowba mid ka mid hadi lehaan wa fidikaraan waqti yar oo koban marka waxa ay u saahan yihin taxadar gooni ah inoo yeesho sida bacteria ama virus .
5 waxtarka isticmaalka biyaha iyo saameynta
5.2 Shuruudaha waraabka - goorma ayaa loo baahan yahay in beerta la waraabiyo ,dabcan markasta beerta waraabin way u baahan tahay balse waxa jira mararka qaar inay baahi gooni u qabto khasatan marka ay cimilida kulushahay ama heerkulku sareeyo wayo ciidu waxa ay sameyn uumi bax badan halka mirtuna u baahan tahay biyo ku filan. dabcan qodobada way badan yihin lakin waa tusale kaliya
6 Isbadalka cimilda iyo Helitaanka heer kulka
6.1 Isbadalka xilayada iyo kornimaadka- isbadalka cimilada waa midka ka dhasha xilyada kala duwan sanadka sida xiliga abaaraha ,xiliga kuleylka xili qabowbaha sidaaas oo kale wax soo sarkooda wey ku kala duwan yihin weyna ku kala astaam duwan yihin waxana jira qorshe ay beerolaydu laga faa iidaysaan wax soo sarka xiliydaas kala duwan iyaga oo raacaaya qaabshismeedka beertooda iyo midka beeritaan ee xiliyada kala duwan. si ay ugu fogaaadaan wax yeelo ka soo gaarta isbadalka cimilda . inkasta wax yeeladaa cimilada adag tahay in la saadaaliyo balse feejignaana gooninada ah waxa ay yareynaysaa khatartu inay heer culus kugu dhufan .
tusaale ahaan
miraha qaar waxa ay u baxaan mudo yar
miraha qaarna waxa ku baxaan mudo dheer
midaaas oo kale waa in ay kala leeyihin jadwal beeritaan si uu qofka beerolayda ahi aysan iskaga khaldamin hadan ay leeyihin tixraac midka abuurid iyo midka goosasho ama guritaan .
6.2 isbadalka juqraafiyadeed ee beeraha - dabcan marki aan ka hadlayno juqraafiyaga beeraha badanaa waxa mumiimada gaar ah uu siinaya halkee ayey beertaadu dhacdaa ama ay ku talaa waayo waxa uu xanbaarsan yahay mid ka mid ah xeeladaha qarsoon kuwaas oo aysan inta badan beero layda aysan gar karin hadi ay noqon lahayd dhinaca ganacsiga iyo faa iidada juqraafiyeed iyo faa iidada wax beeritaan iyo kuwa kale oo badan.
7 Xeelada la qabsiga
7.1 Hagaajinta taariikha beertaa -sidee ayaa loo hajaagiyaa taariikhda beerta , waa maxay muhiimada gaarka ah ay xanbaarsan tahay ,goorma ayey ku haboontahay in bilaawo.
sidee loo hagaajiyaa taariikha beerta
hadi aan su aashan jawaabteeda eegno waxa ay noqonaysaa inaad beertaaada aad u sameyso tixraac midkaas oo ka kooban qaybo kala duwan sida dhaqaalaha beerta., faa iiadada , khasaaaraha iyo wax yeelada iyo wax soo sarka midkaas oo wax bixin ahaan u qoran ama dukumanti ahaan u diyaarsato.
maxay muhiimad gooni ah u leeyahay-waxa ay muhiimad gooni u leedahay lo socodka iyo dhaqdhaaqa iyo isbadalka hadba markaa imanaya ama jira
goorma ayey ku haboon tahay in la bilaawo -dabcan markasta waad bilaawi karta kulama aad ogaato waa isla waqtigaa waa waqtiga sax ah ee aad bilaawi karto.
sida oo kale waxa aad bilaabi karta xiliga aad mirraha beerayso waqtigaasna waa bilaawi karta si aad u ogaaato kharashka aad galisay iyo sida aad u bixisay dhaqalaha iyo midkasta qayta ku baxday hadi ay noqon lahayd dhaqaalaha ku baxay soo iibsashada miraha ,
hadi ay noqon lahayd qalabka lagu beeraayo, hadi ay noqon lahayd kharashka dhulka lagu hagaajiyey iyo dhamaan qaybaaha kale oo soo hoos gali kara markaa ka dib xiliga marka uu dhamaado iyo wax soo sarka inaad si sahlan ku ogaankarto sanadka dhaqaalaha kaa galay iyo waxaad heshay ma isku mid yimaa midkaase badan midkeese yar
faa iido miyaaan qaba sanadka adiga dokumentiga bilowga aad diyaarisay. iyo qaab dhismedka aad diyaarisay midkaas oo aad bilowgi ku howl gashay adiga oo raacaya qaab dhismeed dhaqalaha aad dajisatay waayo xeelaadaha dhaqaale wey faro badan yihin iyo farsamooyinka lugu isticmaaalo
8. Saameynta gobolka ama midka degaanka.
8.1 Kulaylaha gobolka- waxa uu keeni karaa heerkul xad dhaaf ah midaas oo ay sababteenu iska leadahay isbadalka cimilada sida oo kale sameyn daran ku yeelan karta wax soo sarka inuu hoos u dhac balaaran ku yimado cadaadiskaa faraha badan owgood
8.2 degaanka - degaanku saameyn noocee ah ayuu ku yeelan kara wax soo sarka beeraha hadi ay noqon lahayd cimilada ,carada iyo inta kale oo soo raacda
Degaanku waxa uu qayb lixaad leh ka qaataa wax soo sarkaa beerta inkasta oo ay degaanadu wax soo sarkaa ku kala duwan yihin sida oo kale cimilo ahaan ku kala duwan yihin caro ahaan ba.
marka waxaan la tix galiyaa degaan iyo wax soo sarkisa hadba mesha uu dhaco ama ku yaal waayo muhiimad gooni ah ayey leedahay in la ogaado mesha uu deganka uu ku yaal si ay u fududaato in taxliinin lagu sameyn karo wax soo sarka iyo habsami u socodka degaaanka
tusaale ahaaan
degaanka dhacaa jooga hoose uu bada
degaaanka dhaca jooga sare ee bada
deganada dhaca dhulbaraha
degaanada ka fog dhulbaraha
cimilo ahaan iyo caro ahaan wey kala duwan yihin dhicana kale wax soosaarka wey u kala duwan yihin ..
Comments
Post a Comment